Maxamed Cali Madoobe oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Shacabka Somaliyeed ee uu Ka Baxay Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe
May 12, 2019 - Written by admin
Maxamed Cali Madoobe oo kamida guddida beelaha arab ee afgarad ayaa Tacsi Tiiraanyo leh U Diray Ehelkii Iyo Shacabka Somaliyeed ee uu Ka Baxay Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe oo maalintii shalay lagu aasay deegaanka toon ee duleedka koonfurta hargeysa

qoraal maxamed cali madoobe soo gaadhsiiyay Baligubadlemedia ayaa u dhignaa sidan:
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
waxaan halkan ka tacsidaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi marxuum xaaji cabdi kariin xuseen yuusuf (cabdi waraabe oo maalintii shalay lagu aasay caasimadda hargeysa
marxuumka waxaynu ku xusuusan doonaa sidii uu uga soo shaqeeyay nabadayntii somaliland islamarkaana wuxuu kamid ahaa samatalis somaliland muddo badan kusoo caana maashay waxaan ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo shacabka somaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo aamiin aamiin
Like this:
Like Loading...
COMMENTS