Cabdiraxmaan Cirro oo U Awood Sheegtay Wasiirka Maxamed Kaahin
May 4, 2019 - Written by admin
Gudoomiyaha xisbiga waddani ayaa todobaadkii hore mar uu ka hadlaayay dilkii loo gaystay saraakiishii ciidamadda somaliland ka tirsanaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha somaliland maxamed kaahin axmed ka gaabiyay doorkiisii amniga islamarkaana saraakiisha la laayay muddo 5 cisho ah ka soo dalbanayeen gurmad degdeg ah

wasiirka arrimaha gudaha somaliland oo maanta ka jawaabay arintan ayaa sheegay in gudoomiye cirro markii uu hadalkaas lahaa u jeeday isaga iyo beeshiisa iyo beesha saraakiisha la laayay arintan oo cid kasta oo maqasha ku noqotay afkala qaad maadaama oo wasiir maxamed kaahin lagu dhaliilay masuuliyadiisa islamarkaana uu yahay masuul qaran
dadka sifeeya shakhsiyadda maxamed kaahin ayaa sheegay in markii uu ku fashilmay masuuliyadiisii uu qiiqa isku qarinayo islamarkaana uu isku qaadayo arrimo qabyaaladeed arintaas oo nusqaan ku ah masuuliyadda wasiirka arrimaha gudaha somaliland
si kastaba ha ahaatee wasiir kaahin ayaa u muuqda masuul ku haftay ka jawaabida arrimihii lagu eedeeyay islamarkaana meel kale isku qaaday.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS