Madaxwayne Biixi oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka War Bixiyay.
April 21, 2019 - Written by admin
Waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland ayaa dib ugu soo laabtey maanta magaalada Hargeysa kadib safar laba maalmood qaatey oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta .

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweyne Biixi iyo Imaaraadku waxaana uu sheegay ugu horeyn in ay ka wada hadleen arimaha amniga gaar ahaan mandaqada Geeska xaaladeeda amaan
Sidoo kale Wasiir Faratoon ayaa sheegay in dawlada Imaraadka iyo Somaliland ay isla waafaqeen in Garoonka diyaaraha ee Berbera oo Imaaraadku saldhig ciidan ka sameynaayo iyo in loo isticmaali karo diyaaraha rakaabka iyo xamuulka oo ay iyana soo fadhisaan karaan oo labada arimood ba lagu wada qaban doono
Dhinaca kale Somaliland iyo Imaaraadka ayaa isla waafaqay inay wada dhistaan shirkad xoolaha nool ee Somaliland u iibgaysa dalalka Aduunka
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS