BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Indhaha Ka Lalinaya Masuuliyiin Beeshiisa ah oo Musuqmaasuq Dul Hooganayo
March 21, 2019 - Written by admin

Xukuumadda madaxwayne biixi ayaan ilaa hadda sidii la rabay talaabo uga qaadin masuuliyiin hanti dhawrku galay kaas oo qaar kamida musuqmaasuq baahsani dul hooganayo kuwaas oo ay kamid yihiin maareeyaha duulista, wasiirka warfaafinta iyo sidoo kale duqa caasimadda waxaana la garan la’yahay sababta ilaa hadda madaxwaynuhu si daacad ugu ugaadhsan la’yahay masuuliyiinta beeshiisa ee musuqu dul hooganayo islamarkaana uu u badhtilmaameedsanayo masuuliyiin kasoo jeeda beelaha kale.

biixi

madaxwayne biixi oo lagu tilmaamo aabaha qabyaaladda somaliyeed ayaa dawladnimadiisa u adeegsadda beelaha kale ee somaliland isagoon wax talaabo ah ka qaadin masuuliyiinta beeshiisa

si kastaba ha ahaatee waxaynu ka war sugaynaa go’aanka madaxwaynaha qabyaaladdu biyo dhigtay ka qaato masuuliyiinta beeshiisa ee musuqu hadheeyay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS