Madaxwayne Farmaajo Oo Isbitaalka Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho.
March 4, 2019 - Written by admin
Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa saaka cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in
ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS