Dowladda Burundi oo Sheegtay Inay Ciidamadeeda Kala Baxeyso Soomaaliya
February 22, 2019 - Written by admin
Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay in ay gabi ahaanba kala bixin doonto ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya, iyadoo ka careysan go’aanka midowga Africa uu qaatay ee ah in 1,000 askari oo ka mid ah ciidamadooda Burundi laga saaro Soomaaliya.
Go’aanka ay dowladdu qaatay sidoo kale waxaa taageeray Baarlamaanka dalkaasi Burundi oo sheegay in ay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Burundi,Emmanuel Ntahomvukiye, ayaa baarlamaanka u sheegay in dowladda ay horraan ku waregelisay Midowga Afrika go’aanka go’aankan, Burundi waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidammo gaarayo 5000,
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Bujunbura isaga oo kulamo ku saabsan arintan la yeeshay dhiggiisa Burundi.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS