Shirkadda Spectrum oo Ka Hadashay Cabashada Kenya iyo Aagaga ay Ka sameeyeen Sahaminta Shidaalka
February 19, 2019 - Written by admin
Shirkadda Spectrum oo ah shirkaddii sahminta shidaalka ka sameysay Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay dhawaan aan marnaba lagu iibgeeynin xermooyin shidaal ah.

Sidoo kale shirkadda ayaa intaa ku dartay in dhulka sahminta iyo sahanka shidaal baarista laga sameeyay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana ay meesha ka saartay in gabi ahaanba lagu soo daray shirka xudduud baddeedka ay ku muransan yihiin labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraalka ka soo baxay Spectrum ayaa waxaa lagu soo darray qariirada muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay iyo qeybta dhul badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS