Madaxwayne Trump Oo Ugu Baaqay Ilhan Omar Inay Is-casisho
February 13, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa inay is casisho ugu baaqay Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka, ka dib markii ay Isniintii raali galin ka bixisay haddalo ay qortay oo loo arkay inay dadka Yuhuudda ka soo horjeedaan. Ilhan ayaa raalli galintan bixisay, ka dib markii xubnaha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ay si baahsan u dhaleeceeyeen.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii shalay warfidiyeenada u sheegay in raalli galintii Ilhan Cumar ay dhantaalan tahay, waxana uu intaas ku daray in raalli galintaas ayna waxba ka ahayn. Trump ayaa ugu baaqay in Congresska iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo
guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay.
Sources: VOA.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS