Madaxwayne Lafta Gareen oo Goor Aan Sii Fogayn Ku Dhawaaqay Liiska Golaha Wasiiradda Xukuumadiisa
February 2, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa goor dhow magacaabay xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee Koonfurgalbeed.

Golaha wasiirrada ee uu magacaabay madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa ka kooban toban xubnood oo dhammaantod ah wasiirro, waxaana wareegtada magacaabista lagu sheegay qaar ka mid ah golaha wasiirrada in la magacaabay.
Wasiirrada waxaa u badan wajiyo cusub, sidoo kale waxaa golaha cusub ku jira Maxamed Abuukar, oo horay u ahaa wasiiirka waxbarashada maamulkii Shariif Xasan ,hadda waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.
Madaxweynaha Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo caasimadda Muqdisho usoo duulay markii uu magacaabay qaar ka mid ah golaha wasiirrada ayaa lagu wadaa inuu dib ka soo magacaabo wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowlayaal, si uu u dhameystiro golihiisa wasiirrada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS