Waxaan Ahay Musharax U Taagan Doorashadda Golaha Deegaanka Khaasatan Duqa Caasimadda ” Axmed Aadan Rooble”
January 30, 2019 - Written by admin
Suxufi Axmed Aadan Rooble oo Kamida Suxufiyiinta Waawayn ee Ka Hawlagalayay Mudooyinkii u Dambeeyay dhinaca Saxaafadda ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay inuu u Taaganyahay Doorashadda Golaha Deegaanka Hargeysa Gaar Ahaan Duqa Caasimadda Hargeysa

Axmed Aadan Rooble ayaa sidan ku shaaciyay barta uu ku leeyahay facebook waxaanu hadalkiisa u dhigay sida Tan :
markii aan arkay Baahida loo qabo buuxinta booska deegaanka caasimadda hargeysa
markii aan arkay inaan ku haboonahay lana gaadhay wakhtigii aan kamid noqon lahaa golayaasha qaranka
markaan sameeyay tashi dheer oo dhinacyo badan ah
Waxaan Go’aansaday In
Maanta oo Taariikhdu Tahay 30 01 2019 aan halkan ka shaaciyo inaan u Sharaxanahay Doorashadda Golaha Deegaanka Hargeysa Khaasatan Duqa Caasimadda Anigoo Leh Kartdeedii, Aqoonteedii iyo Waayo Aragnimadeediiba
Axmed Aadan Rooble
Wabilaahi Tawfiiq
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS