Madaxwayne Biixi oo Warqad Rasmiya U Gudbiyay Golaha Wakiiladda Iyo Nuxurka Ay Ku Saabsanytahay
December 11, 2018 - Written by admin
madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa xildhibaanadda golaha wakiiladda somaliland u gudbiyay warqad uu kaga hadlayo kulan uu la qaato golaha wakiiladda somaliland sida uu u xaqiijiyay mudane ka tirsan golaha wakiiladda oo maanta joogay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo gudoomiyaha golaha wakiiladdu la qaatay mudanayaasha golahaas
kulankan ayaa loo balamay maalinta sabtida ah kaas oo ah mid qado ah islamarkaana aan la xaqiijin goobta uu ka dhacayo
kulanka ayaa la filayaa in madaxwaynuhu xildhibaanadda kala hadlo mudo kordhinta iyo xeerka saami qaybsiga si loogu sii gogol xaadho doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca sanadada soo socda maadaama oo golaha wakiiladdu muddo dhaaf noqdeen
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS