Akhriso Tiradda Masuuliyiinta Iska Casilay Xukuumadda Madaxwayne Biixi Mudadii ay Xilka Haysay
November 21, 2018 - Written by admin
Xukuumada uu madaxweyne Muuse Biixi hogaaminaayo waxaa ay talada dalka Haysay muddo Hal sanno ah .
Xukuumadan sanad Jirsatey ayaa waxaa siyaabo kala gooni gooni ah wakhtiyo kala duwan iskaga casilay saddex Masuul oo laba ka mid ahi ay agaasimiyaal ka yihiin laba wasaaradood , halka masuulka saddexaadna uu aha gudoomiye ku xigeenka Haay’adda dhawrista tayada .
Waxaana masuulyiintani ay kala ahayeen oo ugu horeeyey wax gudoomiye ku xigeenkii Haaya’dda Dhawrista Tayda Marwo Khadra Xaaji Geydh .
Agaasimihii guud ee wasaarada Qorsheynta qaranka Somaliland Prof Cabdi Cali oo isagu sheegay xiligaas uu is casilay in aanu xukuumada Muuse Biixi la sii shaqeyn Karin , isla markaana madaxweynaha uu kala kulmo ficilo aanu ka filaneyn .
Masuulkii saddexaad ee iska casilay xukuumada Muuse Biixi ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu iska casilay xukuumada Biixi kaas oo ahaa agaasimihii guud ee wasaarada Cadaaalada Somaliland Md Xassan Laki waxaana uu xukuumada Muuse Biixi ku sifiiyey koox ciil qabayaal ah oo xukunka dalka ku aar gudaneysa
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS