Akhriso War-murtiyeedkii Laga Soo Saaray Shirka Hoggaamiyayaasha Geeska Afrika
November 10, 2018 - Written by admin
Waxaa magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya ku soo dhamaaday shir ay halkaa ku lahaayeen hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkooda labaad diiradda ku saaray is bedeladii taariikhiga, nabadda iyo is dhex galka Gobolka Geeska Afrika.
Madaxda ayaa isku afgartay in ay dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii iskaashi ee ay bilo ka hor ku kala saxiixdeen magaalada Asmara, horumaradii iyo guulihii laga gaaray.
Madaxda ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida, dhuleed, mid siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa ay muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo hey’adaheeda, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo celinta nabadgelyad iyo xasiloonida
Madaxda saddexda dal ayaa soo dhoweeyay dadaalada la doonayo in cunaqabateynta looga qaado dalka Eritrea, taasoo lagu wado in dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado cunaqabateyntii saarneyd dalkaas.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS