BALIGUBADLE MEDIA
Ubaxlaw Caare Waa Cadaalad U Dirir, Ee Sidaadda Xil U Dagaalami-Maayo ( Abdi-Shotaly)! –
October 16, 2018 - Written by admin

Hungurigu haduu meel walba galo waa balaayo, hore bay uga maah-maah-day somalidu, oo ay tidhi ” Hunguri Wad Ma Arko” adna dhabaddii uun baad martay lagu yaqanay, xil-doonka aanay ka daacad ahayn, baa lagu yaqaan raad gadasho aan dhab ahayn Sidda Ubaxle. Genaral Caare, maaha nin sidaadda doonaaya wax uu cuno iyo hanti ummadeed oo uu jeebabka ka buux-saday. Waa nin alle yaqaana, raba sinaan, cadaalad, wax la wadda leeyahay, doonaaya in distoorkii uu (IHN) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal inoo dhigay, lagu wadda dhaqmo, ummadda

aan la kala fantayn,  go’a loo kala ridin, loo kala saarin dabaqado iyo ab-tirsiimo, gobolaysi, xaafad-xaafad iyo in si gaar ah loo tix geliyo qaybo gooni ah, oo la yidhaaho waad kala mudan tihiin, ina laga shaqaysto, waxa uu ka dagaalam-ayaana waa xumaanta ee sidaadda sacab munaafa ma garaacaayo. Waxa loo qaybiyey shicibkii dhawr dabaq oo kala sareeya, waa sidda aad aidgu tahay ee markii Caare yidhi Sidaani maaha siddii aan ay u soo halgameen Ummadani, aad ku afla-gaadayniside, taas oo aan been ahayn ee sidan hoos ku taala ah.

Alla-doori-yahw hadalku wuu kaaga darayaaye, maad ahayn Ubaxlaw kii xaq u dirirka u kala tirin lahaa, horaase loo yidhi ” Ruuxii gabaan ahi Hadalka wuu gagabi-yaaye” halkii aad u garaabi lahay Genral Caare, oo doonaaya wanaaga Somaliland baad xaqa ku uu rabo ceeb uga dhigaysaa, ma isagaa sidan aan hoos ku soo qeexi doono ka dhigay, mise kuwa aad munaafaqadda qabiilaysan ugu sacab tumaysid. ka dood oo yaa arimhan  soo socdda ka taliyey ma care? mise kuwa maskaxdda kaa qabsaday, ka sheekee cidda wax walba tidhi Siddii islaantii Rubaabi ” Kula Shay Xaqanaa” wax walba anakaa iska leh, ee aad la garab taagan tahaytaageeradda qaawan, waa kuwan ficiladdii ay ku kaceene, ee maxaad odhan waa tan runtii oo aan biyo ismariniye:-

(a) Muwaadinka koowaad, Waa sidda ay u ceeshto Jeegaanta ay labadda askari hor booda-yaane, iyaka oo aanay xaaran iyo xalaali u kala soocnayn, ee macagag-nimaddii lagu yaqaanay weliba dabadda haysta, kana sii daray.

(b) Muwaadi-niinta labaad, oo ah Isaaqa intiisa kale sidda, kuna cad sharci ku sheega ay ku dhaqanto maamulka jeegaantu, taas oo anay ku jirin kuwa isha goonidda ah lagu hayo.

(c) Waxa intaas sii dheer oo kale, beelo gaar ah oo la sii takooray ( Waa mataanaha’e), oo lagala sii baxay isaaqa intiisii kale, kuwaas oo cadaawad beelaysan oo badheedh, meela aan loo soo marin, hadh iyo habeen lagula kacaayo, lagana sii karan-tiimay-naayo maamulka, iyadda oo ay isku xeerayaan Jeegaantu, iska xidh waa reer hebele, oo xataa la yidhi uma hadli karaan qareena-doodu, hebel-hebel u xidhan aan wax uu ku haystaa jirin, dadkii magaca lahaa oo dhul-kooddii la siiyey qaar maamulka askarta ka soo jeedda, oo ay bakhaaro ka samaysteen iyo baayac-mushtar, si magacoodda ay u masaxaan.

(d) Qaybtan oo ka kooban Samaroon iyo Ciise ama Gobolka Awdal oo dhan, taas oo weliba ay fara-gelinayaan, kii ka soo hor-jeesta, oo rabaan in ay xilka ka qaadaan, tusaale ahaan waxa idiin ah, Maayarkii Boorame, oo awood iyo cudud Ciidan loo sheegtay, laguna wareejiyey awr kiraale ay wataan, taas oo uu goob joog ka ahaa, ka ay ku carabaa-baan Agaasimaha Amniga oo ay isku reer yihiin.

(e)  Qaybtan oo Iyana si khaas ah aan looba tirsan, kuwaas oo ah Gabooyaha, iyaka oo xaqiraaya, la yidhi wax aad tihiin baa iska yar, ahna kuwa ugu sii liita nolol ahaan, maamul-kana aanay xabadi kaga jirin.

(f) Beelaha Harti oo Iyana been lagu maaweeliyo, aan dib-naha dhaaf-sanayn, waxna aanu u ogolayn mamayl-kani. Hadayse dhab ay ka tahay labadda askari ( Ilayn iyaka baa xidha furana imika’e), Mee
Heshiiskii lala galay Khaatumo? Maxaa ka meel maray? Yaa burburiyey ee uu ka socon waayey? Madax-weyne siilaanyo waakii soo dhaweeyey, ee uu baarlmbaanku ansixiyey ee xaguu ka dhacay? kuna dambeeyey wixii la isku waafaqay? saw kumay tuman askartu? waa wax aan dan ka lahayn dalka iyo dadka, oo u soo shaqo tegaye, Ubaxlaw jooji munaafaqadda, ciiro isku qarinta iyo dhuumashadda uu dhabarku muuqdo.

Waxan ku  soo xidhay qoraalkan, Genaral Caare nin sidaas la yidhaaho maaha, illaah wuu ka dheereeyey, caade qaatana maaha sidaadda, munaafaqad-na Kuma dhaqmo, ee waa ka xalaal daba-go’an. Wuxuu ahaa Sarkaal Sare oo ciidanka ka mid ahaa ( Markii uu ciidan qaran jirey weeyee), imika waa ciidan beelaysane, Gobol dhan buu haystay, nina aan wax uga baahnayn, oo loo wadda siman yahay ( Adigu doc iskaga baydh baad tahay), illaah-na ka biqi-maysid, ee wax aad dhuunta marisid uun baad u soo laba-dib-laystay. Hadaad is leedahay waxa aad tidhaaho Caare, baad xil ku helaysaa, been baad isu sheegtay. Indha-haaga oo shan ah buu soo gelayaa Hargaysa, cid wax ku samayn kartaana ma jirto, haday tahay askarta kuu been sheegtay iyo haddii ay jeegaan tahay-ba. , mid kastaaba gobolka uu ku ab-tirsado buu difaacayaa, markaa dhuuni raacnimo, biidhi-qaate, xil doonimo, Caare waa nin ka sareeya iyo beenta aad kula meeraysa-nayso, ka Hargeysa ku silcaayaa sidda uu xil doonaaya waa adiga. Waxad u doodaysaa Xaq darradda ka jirta Somaliland, ee aan ku muujiyey xarfaha sare ku yaala ama aan ku suntay (a, b,c,d, e, f). kii cadaalad xumidda ka tegay-na waad eeday-naysaa, sidaas awgeed Ubaxlaw, waxad ka dhigan tahay “Nin qoyani biyo iskama dhawro’e”.ee iska qaso wax afka laguu soo geliyey. Waxan ku soo af meeray, waxad tahay kii la yidhi ” In kastuu durdur iyo dabaal galo, doofaar abidkii ma daahiro”, ee baryo xumaanta, aad wax ku doonaysid Caaraan wax idhi, bal aan eegno halka ay kula tagto, weli waxad wadda Dhataqla-nimaddii aad la joogtay Magaaladda Birmingham, waana wixii lagaaga qaaday Safiirka Ingiriiska’e. Ma madax banaanid oo maan-kaaga iyo maskax-daadda waxa ka xoorinaaya, Caare waa beel kale, ee muxuu xaqa ugu adimayaa? Muxuu waxa aanu walaaqa-nayno uu u kashifayaa?, Ugu dambayn, biyo gorore oo meel godan bay iskugu tageene, haday cidi khladan tahay ( Maaha Caare), ee waa adiga iyo kuwa aad la xulafo tahay, Caare-na kaba-hiisa ma gaadhyside, iska dharaqaan waa calooshiisa u shaqayste iyo caadaddii lagu yaqaanaye.

N.B Nin Qoyan Biyo Iskama Dhawro!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

COMMENTS