BALIGUBADLE MEDIA
Duqa Boorama oo Gaashaanka U Daruuray Xil Ka Qaadista Lagu Sameeyay
September 26, 2018 - Written by admin

Duqa Magaaladda Boorama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa ku eedeeyay Badhasaabka Gobolka Awdal in uu wado faro gelin isla markaana uu ku xigeenkiisii u magacaabay in uu noqdo duqa Magaaladaasi.

Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay in aqlabiyadda Golaha Deegaanka Magaaladda Boorama ay la socdaan isla markaana aanay jirin cid ka soo horjeedaa, hasayeeshee ay jirto faro gelin lagu hayo Golaha Deegaanku.

Mayir-maxamed-xusen-maydhane-150x150

“Runtii anigu waxa aan ahay Mayorkii uu Goluhu Doortay sharciyadna ku fadhiya, sharciyadna xilka waa la igaga qaadi karaa, laakiin wixii intaas ka baxsani waxa ay noqonaysaa wax sharciga ka baxsan.

Goluhuna maalintii dhaweyd waad arkaysay in ay aqlabiyad ku yidhaahdeen cidna

waxba noo yeedhin mayso, waanan uga mahad celinayaa sidii wanaagsanayd ee ay yeeleen, waxaanan leeyahay sharcigu ha shaqeeyo” ayuu yidhi Maxamed Xuseen Maydhane.

Sidoo kale mar la waydiiyay bal in ay jirto hanti uu Lunsaday, waxaa uu ku jawaabay “Horta Lunsi marka aad ka hadlayso waa in aad keentaa cadayntiisa, laakiin nin isagiiba ay wadadu ka lunsan tahay oo uu Badhasaab waraaq u qoray, dee waxa uu sheegayo ayaaba yar isaga oo waliba warqadii isla soo taagaya TV, Bal u fiirso caqliyadda ku jirta shakhsiyada iyo sida sharciyada loo baal marsan yahay, Badhasaab mayor ma magacaabo, laakiin cida keliya ee awood u lihi waa madaxweynaha” ayuu yidhi isaga oo u waramayay eryal.

Isha Ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS