BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Turkiga
August 17, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha dawladda federaalka somaliya maxamed cabdilahi farmaajo ayaa safar aan hore loo shaacin ugu kicitimay dalka turkiga
safarka madaxwaynaha ayaa yimi kadib markii uu martiqaad rasmiya ka helay madaxwaynaha dalka turkiga receyp dayib erdogan

farmaajo iyo erdogan

qoraal lagu baahiyay barta twiterka ee madaxtooyadda villa somaliya ayaa lagu sheegay in madaxwaynuhu ka qayb galayo shirka aan caadiga ahayn ee xisbiga taladda turkiga haya ee AKK Party
madaxwayne farmaajo oo safar laba cisho qaatay ku joogay dalka jabuuti ayaa maanta uga gudbay dalka turkiga si uu uga qayb galo shirka xisbiga taladda dalka turkey haya ee AK Party

madaxwaynayaasha labadda dal ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xidhiidhka labadda waddan, ganacsiga amaanka, maalgashiga iyo dhaqaalaha
bishii hore ee jully ayay ahayd markii madaxwayne farmaajo ka qayb galay caleemo saarka madaxwaynaha tuekiga oo dhamaadkii bishii june dib loo doortay islamarkaana markale dib ugu guulaystay jagadda madaxwaynenimadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS