BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay ee Magaaladda Jigjiga Iyo War Ka Soo Baxau Dawladda Federaalka Ethiopia
August 5, 2018 - Written by admin

Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso nabadgelyada gobolka Soomaalida ee kuyaal Bariga dalkaas. Kadib markii iskudhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.

aby axmed
Qawmiyadda Soomaalida ayaa weerartay dadka ka yimid qaybaha kale ee dalka waxayna bililiqaysteen dukaamo kadib markii ciidamada xukuumadda militariga dalkaas lasoo dhoobay magaalada Jigjiga.

Xukuumadda Itoobiya ayaa isku dayaysay in si aan sharci ahayn ay awoodda ugala wareegto masuuliyiinta deegaanka gobolka Soomaalida.

Balse daadguraynta ciidamada ee Jigjiga ayaa dhalisay jawaab caro ku dheehan tahay – ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay markii la weeraray dadka aan kasoo jeedin qawmiyadda Soomaalida.

Kaniisad ayaa dab la qabadsiiyey dukaamana waa la bililiqaystay.

Loollanka awoodeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ayaa khatar ku ah in uu wiiqo barnaamijka isbadallada ee Raisul Wasaraha cusub Abiy Ahmed uu wado.

Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa sheegaya in xiisadda ay sii kicinayaan mucaarad ah si xooggan uga soo horjeeda siyaasaddiisa.

Kooxda mucaaradka ah ee ka hawlgasha gobolka Soomaalida, ee ONLF, ayaa ugu baaqday Raisul Wasaaraha in uu hakiyo dhaqdhaqaaqa militari uuna bilaabo hannaan nabadeed.

isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS