BALIGUBADLE MEDIA
Haweeneydii ugu horeysay ee heshay ruqsada darawalnimada dalka Sacuudiga
June 7, 2018 - Written by admin

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilowday in ay siiso haweenka dalkaa ruqsada darawalnimada, iyadoo markii ugu horeysay haweeney loo ogolaaday in ay kaxeyn karto gaari, iyadoo heshay ruqsada darawalnimada.

ruqsad

War ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la bilaabay bixinta sharciga darawalnimada, taasoo ka dhiggan in wixii hadda ka danbeeya haweenka Sacuudigu kaxeyn karaan gadiidka.

Haweenka la siiyay sharciga darawalnimada Leesanka ayaa ugu horeyn la imtixaanay, ka hor inta aan Ruqsada darawalnimada.

Sawirka haweeneydan ayaa waxaa soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga, sidoo kalana gabadhan ayaa ah haweeneyda kaliya ee macalimadda ka ah Jaamacadda Sattam Bin Abdulaziz.

Sacuudiga ayaa 24-ka bishan si rasmi ah u qaadi doona xayiraada saarneyd haweenka in ay gaadidika kaxeeyaan, waana mid ka mid ah tallaabooyinka dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ku doonayo inuu ku casriyeeyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Laakiin ka hor go’aanka uu qaatay dhaxal sugaha waxaa xusid mudan in marar badan oo hore dowladda Sacuudigu xabsiga dhigtay haween u ololeynayay xuquuqda darawalnimada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS