BALIGUBADLE MEDIA
Masuuliyiin Madaxwaynaha Ugu Baaqay Inuu Kansalo Heshiisyada Dekedda iyo Saldhiga
April 20, 2018 - Written by admin

Dawladda Imaaraadka carabta ayaa badhil kula kacday xukuumadda Somaliland iyo shacbiga reer Somaliland kadib markii wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadku xaqiijiyey inaanayy Somaliland xidhiidhba la lahayn haba yaraadee sidoo kale waxa uu meesha ka saaray inay Somaliland wax heshiis ah la gashay Imaaraadka, waxaana uu xaqiijiyey inay Somalia iyo Imaaraadku heshiiska saldhiga iyo dekedda kala saxeexdeen.

madaxwayne biixi
Arrintaas ayaa shacbiga Somaliland si wayn uga fajicisay iyadooo badhkood ay markii hore tuhunka qabeen halk badhka kalena ku qanacsanaayeen hadalladii masuuliyiinta dawladdu ku sheegi jireen inay heshiiska Imaaraadka u madax banana yihiin.

Hadaba masuuliyiin, xildhibaano, siyaasiyiin iyo shacbiga intiisa badan ayaa soo jeediyey in Imaaraadka cawda loo jaro isla markaana ay xukuumaddu ka noqoto heshiisyada dekedda iyo saldhiga, si uu Imaaradku u dareemo awoodda iyo jiritaanka Somaliland.

Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan golaha guurtida ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay inuu ka noqdo heshiiskan isla markaana uu xidhiidhka u jaro Imaaraadka Carabta “Waxaan leeyahay ha loo jaro, wax alla wixii Siilaanyo la saxeexdayna Muuse Biixi ha kansal gareeyo oo hanaga eryo ama dekeddayada waxaanu ku iibsano hana tuso” ayuu yidhi xildhibaan Dheeg.

Sidoo kale Prof Cabdi Cali Jaamac, agaasimihii dhawaan iska casilay wasaaradda qorshaynta qaranka isla markaana ah bare ka tirsan jaamacadda Hargeysa, ayaa soo jeediyey in Imaaraadka cawda loo jaro isla markaana iminka la eryo waxaana uu intaas raaciyey inay iyagu is dhiibi doonaan “Haddii aynu maanta ku dhiirano oo aynu miiska ku rogno DP world, Sida ay yeeleen reer muqdisho oo waliba dakad iyo waxba toona loogu xilanayn, innagoo xujo ka dhiganayna kashifaadda ay inna kashifeen maanta, waxan hubaa in ay keenada soo dhiganyaan oo ay baryootamayaan, taasina ay fursad inoo siinayso in aynu soo bilawno heshiiska aynu ku dhacanahay, laakiin aynu siisanay sharafta yar ee ay inagala noqden” ayuu ku yidhi Cabdi Cali Jaamac, qoraal aragti ahaa oo uu bogiisa Faceboog-ga soo dhigay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS