BALIGUBADLE MEDIA
Wafti Ka Socda Dalka Ingiriiska Oo Maanta Soo Gaadhay Hargeysa + Ujeedada Rasmiga ah ee ay U Socdaan.
April 4, 2018 - Written by admin

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku soo dhawaysay xildhibaanno ka socda baarlamaanka Ingiriiska. Xildhibaannadan ka kooban xisbiyada kala duwan ee Ingiriiska ayaa ujeedkooda lagu sheegay xaqiiqo raadin ku saabsan qaddiyadda Somaliland si ay u taageeri karaan.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weliba xisbiyada siyaasadda iyo labada shirgudoon iyo baarlamaanka, waxaanay si gaar ah diiradda u saarayaan meelaha ay Somaliland u baahantahay in si gaar ah looga caawiyo, maaddaama oo ay dhawr bilood ka hor ka soo baxday doorashadii madaxtooyada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS