BALIGUBADLE MEDIA
Ruushka Oo Wadamada Galbeedka Ku Eedeeyey Inay Hor Istagayaan Marti Gelinta Ciyaaraha Aduunka Ee Moscow
April 1, 2018 - Written by admin

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka oo lagu magacaabo Maria Zakharova ayaa ku eedaysay Ingiriiska iyo Mareykanka inay isku dayayaan in dalkeeda ay ka hor istaagaan martigelinta Koobka Adduunka ee sanadkan.

russia
Wareysi dheer oo ay siisay telefishin laga leeyahay Ruushka, ayay ku sheegtay in ujeeddadooda ugu weyn ay tahay in Koobka Adduunka ay ka wareejiyaan Ruushka.

UK ayaa raadineysay inay ciqaabto Ruushka iyadoo ku eedeysay weerarkii sunta ee ka dhacay Britain.

Qoyska Boqortooyada ayaa ka soo horjeesan doona Koobka Adduunka, tan oo qayb ka ah falcelinta Britain.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK Boris Johnson ayaa Koobka Adduunka ee Ruushka la xidhiidhiyey Cayaarihii Olombikada ee Naasiyiintii Jarmalka sanadkii 1936. Xildhibaan mucaarad  ah ayaa isagana ku baaqay in Koobka dib loo dhigo ama meel kale loo wareejiyo.

Si kastaba ha ahaatee  ma jirto xog laga hayo in kooxda England aaanay  ka qaybgeli doonin cayaaraha, oo furmaya bisha June.

Tiro dublamaasiyiin ah ayay labada dhinacba iska caydhiyeen, sababo la xidhiidha  sumeyntii magaalada Salisbury loogu geystay basaas hore oo Ruushka u dhashay Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia 4-tii March.

Tallaabadii ugu dambeysay, ilaa 170 diblomaasiyiin Ruushka u dhashay iyo xubnaha qoyskooda ayaa Jimcihii iskaga baxay Washington.

Source:-BBCsomali

COMMENTS