BALIGUBADLE MEDIA
Badbaadiyaha Qarankeena
March 14, 2018 - Written by admin

Bulshada Somaliland waxaa soo food saara sida bulshooyinka kale ee dunida ku nool waqtiyo
badhaadhe iyo barwaaqo iyo waqtiyo adga oo ay jiraan Abaaro iyo duruufo dhaqaale oo kalaba.
Hadaba waxaa sanadkii hore guud ahaan dalka ka dhacay Abaaro lagu tilmaamey kuwo aan hore
loo arag loona Maqal abaarahaas waxay Galaafteen dad iyo duuno badan.
Waxay qof walba ku saameeyeen halkiisa, looma kala hadhine Somaliland Sheekh Iyo Shariif
waa laga wada qayb qaatey.
Waxaa xusid Mudan hawlgalkii balaadhnaa Gudigii Abaaraha ee Heer Qaran ay sameeyeen,
waxaa sidoo kale xusid mudan, Qaadhaankii Qurba joogta iyo yaboohdii aan xadka lahayn ee
Ganacsatada Somaliland.
Waxaa uu ahaa gurmad oo aan look ala hadhin waxaa si mug leh loo taakuleeyay dadkii xooluhu
ka baxeen.
Malaha intey jirtey Somaliland sidan oo kale hawl la isaga kaashadey way yartey.
Waxaa xusid in mudan in Haayadaha caalamiga ah ee kaalmada bixiyaa ay guud ahaanba
joojiyeen kaalmooyinkii kale.
Waxay dadka tabaaleysan siinayeen lacag cash ah iyaga oo ugu diraayey Mobiles-kooda.
Waribixnihii iyo xogihii la soo saarey waxay tibaaxeen ku dhawaad 2 Milyan in ay halis ugu
jireen in ay leedaan oo ay gaajo iyo macaluul u dhintaan.
Waxaa la tibaaxey in maaliyiin xoolo ah ama wax ku dhaw 80% xoliihii bulshadu ay
dhamaadeen oo abaartu leeftey.
Iyadoo ay xaaladu sidaas u xuntahey ayaa waxaa dhacey in bulshadii tashatey oo ay kaceen
gudigii abaaraha iyo bulshada inteedii kale oo iskaashadey, dawladii xiligaasi aad ayay iyaduna
uga qayb qaadatey gurmadii abaaraha.
Hadaba Waxaa la is waydiinayaa hawsha baaxadaas leh maxa hawshaas sahley?
Maxaa dadkeeni miyi,Qurbe iyo Magaalo hal mar isku wada xidhey?
Sidee ayey dadkeenii baahnaa ku heleen kaalmadii loo fidiyey?
Side ayay ku bad baadeen dad iyo xoolaba intii soo hadhey?
Maxaa saldhig u ahaa Gurmadkaas aan hore loo arag?

Su’aashaas jawaabteeda markaan is waydiiyey waxaa ii soo baxey Badbaadiyaha Bulshadeena
waa adeega aan adeeg lala dhigaa jirin,waa adeeg looga hadhey tayo iyo deg degsiimo waa
adeegee??
Waa Adeega Zaad service.
Zaad services waxaa uu ahaa udub dhexaadka qaadhaaan ururinta, waxa uu ahaa isha ugu wayn
ee ay qaaadhaan ku heleen gudigii abaaruhu sidoo kalana dadkii tabaaleysnaa wax lagu
gaadhsiiyey.
Waxaa xusid Mudan in gudiga Abaaruhu soo gaadhsiiyeen in ay yidhaahdeen Zaad waa xubin
Gudiga ka mid ah.
Hadaba akhristee adeegan muxuu inaga mudanyahay, kaalin noocee ah ayuu bulshadeena ugu
jiraa.

Losoco qaybaha danbe.

COMMENTS