BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Trump oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihiisii Arimaha Dibada
March 13, 2018 - Written by admin

adaxweyne Donald Trump, ayaa ka qaadey xilkii xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson, isagoo ku badaley Mike Pompeo oo ah madaxa hey’adda sirdoonka ee CIA-da.

rex

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ugu mahadcelinayo xoghaye Tillerson shaqadii uu soo qabtey, isagoo dhanka kale sheegay in xogyaha cusub uu qaban doono shaqo cajiib ah.

Tillerson, oo ahaa madaxii hore ee shirkadda ExxonMobil, ayaa loo magacaabay jagadan sanad uun kahor.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Gina Haspel, iney noqoto haweeneydii ugu horeysay oo madax ka noqota hey’adda sirdoonka CIA-da.

Waxaa jiray warar sheegaya inay jireen kala aragti duwanaansho Rex Tillerson

iyo Aqalka Cad, iyadoo Mareykanku uu wajahayo xaalad sugnaansho la’aaneed oo la xidhiidha  siyaasaddiisa arrimaha dibedda, gaar ahaan dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan.

Bishii October ee la soo dhaafey, Tillerson ayaa ku qasbanaaday inuu qabto shir jaraa’id, si uu u beeniyo warar sheegayey inuu doonayo inuu is casilo.

Deyrtii ina dhaaftey, ayuu Trump ku bahdliay bartiisa twitter-ka ganacsadahan hore, isagoo sheegay in Tillerson uu isaga luminayo waqtigiisa la xaajoodka dalka ku hubeysan hubka Nuclear-ka ee Kuuriyada Waqooyi.

Tillerson ayaa laga soo wariyey inuu aad ula yaabay sida ay u hooseyso aqoonta Trump uu u leeyahay maareynta siyaasadda dibadda.

Wargeyska New York Times oo soo xigtay masuuliyiin, ayaa sheegay in Trump uu aad uga cadhooday marar badan hab dhaqanka xoghaye Tillerson marka lagu jiro shirarka.

Source:-BBCsomali

COMMENTS