BALIGUBADLE MEDIA
Shirka Dalalka Ciidamadu Ka Joogaan Soomaaliya Uga Socday Kampala oo Soo Xidhmay
March 3, 2018 - Written by admin

Shirkii Kampala ee madaxda dalalka ciidamada ka jooga Somalia ee AMISOM iyo dowladda federaalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Somalia.

farmaajo

Shirkaan oo uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin.
Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS