BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay: Dp World Iyo Dawladda Jabuuti oo Hajabaado Culus Hawadda Isku Mariyay
February 24, 2018 - Written by admin

Dawlada Jamhuuriyada Jabuuti ayaa guud ahaanba laashay heshiis ay kula jirtay shirkada maamushaha dekedaha ee DP World.

Heshiiska ay dawlada Jabuuti laashay ayaa dhigayey in shirkada Dp World ay maamusho dekeda Dooraale oo ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan ee wadankaasi, taas oo masaafo gaadhaysa 5km u jirta magaalada Caasimada ah.

dp world

Go’aanka ay dawlada jabuuti ku laashay heshiiskii ay kula jirtay shirkada DP World ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay go’aan ku gaadhay inay ka baxdo heshiiskii ay kula jirtay shirkada DP World ka dib markii lagu guul  daraystay in la xal waara laga gaadho khilaaf u dhaxeeyey dawlada iyo shirkadaasi. Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in maamulka dekeda Dooraale lagu wareejiyey shirkada DCT taas oo ay gabi ahaanba iska leedahay dawlada Jabuuti.

Dhinaca kale shirkada DP World  ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartay go’aanka dawlada Jabuuti waxay ku sheegtay in talaabadaasi aanay ahayn mid sharci ah.

Shirkada Dp World ayaa sheegtay in go’aanka dawlada Jabuuti aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin dhaqaalaha iyo agabka shirkada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS