BALIGUBADLE MEDIA
Taliyayaashii Ciidamadda Booliska Iyo Asluubta oo La Magacaabay
February 19, 2018 - Written by admin

Taliyayaashii Ciidamadda Booliska Iyo Asluubta oo La Magacaabay waxaanay magacaabistani ku soo beegmaysaa xilli isbedelo badani ka taabanyihiin gudaha dalka

Golaha wasiirada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhawaaqeen magacaabida taliyeyaasha ciidamada nabad sugida, booliska iyo Asluubta.
newsGolaha wasiirada ayaa isku raacay in taliyaha ciidanka Booliska soomaaliya loo magacaabop Bashiir Cabdi Maxamed, halka taliyaha ciidanka Nabad sugida ay isku raaceen inuu hogaan u noqdo Xuseen Cismaan Xuseen.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Bashiir Maxamed Jaamac u magacaabay taliyaha ciidanka Asluubta.

Taliyaha cusub ee ciidamada booliska soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa hore u soo qabtay xilka taliye ku xigeenka ciidankaas, iyada oo taliyaha nabad sugiduna uu hore u soo noqday wasiir ku xigeenka caafimaadka.

Magacaabida taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Asluubta ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay boosaskaasi banaanaayeen mudo ku siman afar bilood, ka dib markii 29-kii October ee sanadkii hore xilkii laga qaaday masuuliyiintii hore.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS