BALIGUBADLE MEDIA
Mudaharaado Waawayn oo Ka Istaadhmay Hargeysa + Waxay Daaranyihiin
February 19, 2018 - Written by admin

Ciidamada amaanka ayaa ku guulaystay inay kala kaxeeyaan dadweyne iskugu degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa kuwaas oo abaabulayey mudaharaad lagaga soo horjeedo xildhibaano xidhan.

Sida ay  noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi, shacabkan isku soo baxay ayaa taayiro ku gubay waddada ugu muhiimsan degmadaasi, kuwaas oo dalbanayey in la sii daayo xildhibaan ay sheegeen inuu ku xidhan yahay saldhiga degmadaasi.

Ma jiro war faah faahsa oo ay ciidamada amaanku ka bixiyeen dadkaas mudaharaadka abaabulayey ee ay kala kaxeeyeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS