BALIGUBADLE MEDIA
“Inaan Is Casilo Diyaar Ayaan U Ahay”.Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland.
February 19, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa oo marti ku ahaa barnaamijka qanci dadkaaga ee HCTV ka ayaa la weydiiyay in uu is-casilayo haddiiba ay ku fashilmeen doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacay 13 Novenber iyo hawshii sii wadayaan goorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacaan horaanta sannadka 2019-ka.

komishanka

“Ta is-casilaada xeer ayaanu ku fadhinaa, waxa na soo doortay saddexda xisbi qaran, xukuumadda iyo golleyaasha, haddii ay nagala noqdaan awoodii, diyaar ayaanu u nahay anigu shakhsi ahaan in aan is-casilo haddii laygala noqonayo, shaqadaydiina waan gutay, waanan ku farasaxanahay in shaqadaydii si daacadnimo iyo qaranimo ah-ba u gutay” ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame. Guddida doorashooyinka ayaa qabtay doorashadii ugu xumayd ee Somaliland ka dhacda taas oo qabsoontay bishii November ee sannadkii tagay, iyadoo ilaa hadda mad mdawgii ka dhashay ay bulshada Somaliland ku kala qaybsantahay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS