BALIGUBADLE MEDIA
Sheekh Cabdirashiid Afqaboobe Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Doorashada Baarlamaanka Somaliland
February 17, 2018 - Written by admin

Sheekh Cabdirashiid Xasan Cabdilaahi(Afqaboobe) ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartamayo doorashada baarlamaanka somaliland ee la filayo inay qabsoonto sanadka 2019.
afqaboobe
Sheekh Cabdirashiid Afqaboobe ayaa war uu ku shaacinayo mushaharaxnimadiisa oo uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa uu u dhignaa sidan:-

Anigoo muwaadin somalilander ah magiciisuna yahay sheikh c/rashiid xasan cabdilaahi( Afqaboobe), kana soo jeeda G\maroodi jeex Gaar ahaana ka tirsan beesha Bafaadumo oo ka mid ah beelaha arab wayne waxaan halkan ka shaacinayaa manta oo ay taarikhdu tahay 17/02/2018 oo kuna beegan  30/06/1439 H , inaan ahay murashax u taagan Doorashada Golaha wakiilad Jamhuuriyada Somaliland ka dhici doonta 2019 ka ee mustaqbalka dhaw. Inshaa allah.

Taas oo aan buuxin doono dhamaanba shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta golaha wakiilada JSL . anigoo marwalba tix galinaaya hanaanka hab u socodka doorashooyinka ,sidaa darteed balanteenu waa sinaan cadaalad iyo horumar.

Allah baa mahad leh

Sheikh : C/rashiid Xasan C/laahi ( Afqboobe )

Musharax u tagan doorshada golaha walkiilada JSL.

COMMENTS