BALIGUBADLE MEDIA
Ma Dhabaa In Gudoomiyaha Qaaradda Yurub ee Xisbiga Waddani Xil Looga Magacaabayo Xukuumadda Muuse Biixi
January 22, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha qaaradda yurub ee xisbiga muncaaradka ah ee waddani Axmed Cali Naahi ayaa warar ku tidhi ku teena oo aan la hubin sheegayaan in xil looga magacaabayo xukuumadda madaxwayne muuse biixi axmed cali naahi ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii mabaadiidu ku adkayd wadaninimadda balse waana xubin muhiimadeeda leh hadii uu ka tago waddani oo uu kamid noqdo xukuumadda madaxwayne muuse biixi.

masuulkan ayaa maalmihii u dambeeyay hadalhaynta magacaabistiisu haysatay baraha bulshadda ee facebuuk

gudoomiyaha qaaradda yurub

dhanka kale xisbiga waddani ayaan doorashadii kadib wali bilaabin dardaartii muncaaradnimo ee looga fadhiyay waxaana xisbiga sugaya inuu kala hufo maamuladda kala duwan ee xisbiga sida xoghayaha guud ee xisbiga iyo shakhsiyaad uu hogaamiyo oo iyagu ka shaqeeya xisbiga islamarkaana sabab uh jabkii guuldaradii soo gaadhay xisbiga waxaanu uurcadde kaw ka yahay dadkii xisbiga ku jiray ee sida tooska ah ula shaqaynaayay xisbiga jeegaanta ee kulmiye

cabdiraxmaan cirro laftarkiisa ayaa dhaqaalihii ugu badnaa ee xisbiga wakhtigaas ku bixiyay sidii uu u heli lahaa beelaha jeegaanta isagoo dayacayay fursado waawayn oo uu ka heli lahaa beelaha kale ee somaliland balse fursadaas siyaasiga ah cirro wuu garanwaayay waxaanay taasi sabab u noqotay guuldarro baahsan oo la soo daristay xisbiga waddani

isku soo wada duuboo cabdiraxmaan cirro waxa la gudboon inuu markale xisbiga boodhka ka tumo islamarkaana uu kala huf balaadhan ku sameeyo qaybaha kala duwan ee xisbiga sidoo kalena uu shir gaar ah la yeesho beeshiisa sumcadii xisbiga meel uga dhacaysa islamarkaana kala diraysa xulafadii bahwaynta ahayd ee xisbiga

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS