BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo Oo Amar Culus Ka Soo Saaray Bixinta Dhulka Danta Guud
January 19, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay warwarka uu ka qabo in lagu xad gudbo dhulka danta guud ah.
farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya ilaalinta dhulka danta guud ayaa waxa uu yidhi “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyada oo la ilaalinayo hantida Qaranka ee dhul, Cir iyo Badda waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la
hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah, haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

“Markii la i doortay, waxaan ballan qaaday in aan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan in aan la bixin karin dhul dawladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS