BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxwaynaha Masar oo Kulan Wada Xaajood ah Ka Yeeshay Xaaladda Webiga Niilka
January 18, 2018 - Written by admin

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa gaadhay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar si uu wada hadal ula yeesho dhigiisa dalkaasi Abdel Fattah El Sissi.

ethiomasa
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam  Desalegn oo ayaa waxa ku wehelinaya safarkiisa dalka Masar wasiirada arimaha dibada, biyaha iyo tamarta.

Sida ay ku warantay warbaahinta dalka Masar hogaamiyayaasha labada dal ayaa ka wada hadlaya arimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo xiisada ka taagan biyo xidheenka ay dawlada Itoobiya ka hir gelinayso wabiga Niilka.

Guddida sare ee xidhiidhka labada dal ayaa la filayaa inay ku shiraan magaalada Qaahira iyada oo ay goob joog ahaan doonaan madaxda sare ee labada dal.

Wasiirka arimaha dibada dalka Itoobiya oo ka mid ah weftiga raysal wasaaraha  ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Masar kuwaas oo ka wada hadlay arimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo xiisada ka taagan biyo xidheenka dalka Itoobiya iyo  arimo ka taagan qaarada afrika gaar ahaana xaaladaha ka jira soomaaliya iyo koonfurta Suudaan.

Wada hadalka labada wadan ayaa imanaya wakhti laba maalmood ka hor uu hogaamiyaha Masar sheegay inaanu wax dagaal ah la gali doonin wadamada Suudaan Iyo Itoobiya.

Xidhiidhka labada dale ee Masar iyo Itoobiya  ayaa xumaaday tan iyo wakhtigii ay dawlada Itoobiya bilawday biyo  xidheenka ay ka hir gelinayso wabiga Niilka, iyada oo xeel dheerayaasha wadanka Masar ay biyo xidheenkaas ka muujiyeen baqdin weyn iyaga oo sheegay inuu saamayn ku yeelanayo qulqulka biyaha wabiga oo ay ku tiirsan tahay nolosha malaayiiin masaari ah.
Source:- VOA

COMMENTS