BALIGUBADLE MEDIA
BARO SIDA UU DASTUURKA JAMHUURIYADA SOOMAALILAND UGA HADLAAYO DHISMAHA GUDIGA CULIMADA.
January 6, 2018 - Written by admin

Sidaynu la wada socono dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland waxaa uu waajibinayaa ama sheegayaa gudida culimada oo ah mid madaxbanaan, hadaba qormadan maanta waxaynu ku soo bandhigi doonaa qodobada dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland ku jira ee waajibinaaya dhismaha gudiga culimada Soomaaliland.

Qodobadni waxay si cad oo faahfaahsan u sheegayaan waajibaadka, tirada iyo hanaanka magacaabistooda, waxaa  kale oo uu sheegayaa mudo xileedkooda, mushaarkooda iyo gunadooda wanaa sidan hoos ku xusane ka baro oo ka bogo.

QODOBKA 115AAD
GUDDIDA CULIMADA
WAAJIBAADKA GUDDIDA
Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran:
1. Inay si rasmi ah uga bixiyaan caddayn:
b. Khilaafka Diiniga ah ee abuurma.
t. Wixii la isku qabto inuu Sharceedda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga ula
muuqda inuu Shareecadda khilaafsan yahay.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
38
Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimid
ama Maxamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda.
2. Inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyagoo ka eegaya dhinaca
Diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo Diinta. Inay eegaan, hubiyaana,
kutubta laga turjumo Shareecadda, gaar ahaan kuwa maxkamaduhu u cuskadaan
xukunkooda {ka hor intaan sharci ahaan loo ansixin}, iyo kuwa gelaya manhajyada
waxbarashada ee ku saabsan dhaqan-aqooneedka Diiniga ah.
QODOBKA 116AAD
TIRADA GUDDIDA IYO MUDDADA XILKA
Guddida Culimadu waxay ka kooban yihiin kow iyo toban (11) xubnood; muddada xilkuna
waa shan sanno (5); xubintii mutaysatana dib baa loo soo magacaabi karaa.
QODOBKA 117AAD
SHURUUDAHA XUBNAHA
Xubnaha Guddida Culimadu waa inay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran:
1. Inuu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa.
2. Inaanay da’diisu ka yaraan afartan sano {40}.
3. Inuu yahay nin lagu yaqaan ALLAH-KA-CABSI iyo akhlaaq wanaag.
4. Inaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga caddaaday
shantii sanno ee ugu dambaysay.
5. Inuu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah amaba wax u dhigma oo dhinaca Diinta
ah.
6. Markuu xilka Guddida qabto inuu ku sifoobo dhexdhexaadnimo dhinacyada
siyaasadda iyo aragtida Diineed.
QODOBKA 118AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN XUBNAHA
Xubnaha Guddida Culimada waxa ka reebban.
1. Inay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo Diineed.
2. Inay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka Guddida hayaan.
QODOBKA 119AAD
MAGACAABIDDA XUBNAHA GUDDIDA
CULIMADA
1. Xubnaha Guddida Culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo Golaha
Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo is-tiro le’eg; waxaana oggolaanaya Golaha
Guurtida.
2. Guddida Culimadu iyagaa iska dhex-dooranaya Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen
QODOBKA 120AAD
BANNAANAANSHAHA XUBINNIMADA
GUDDIDA CULIMADA
Xubinnimada Guddida Culimada waxay ku bannaanaan kartaa:
1. Haddii uu istiqaalad dhiibo ama uu geeriyoodo.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
39
2. Haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii xubinnimada.
3. Haddii uu xukun ciqaabeed oo kama dambays ahi ku dhaco.
QODOBKA 121AAD
MUSHARKA IYO GUNNADA
Mushaharka iyo gunnada xubnaha Guddida Culimada xeer baa nidaaminaya.

ALLLAA MAHAD LEH

W/D: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

[email protected]

COMMENTS