|
|||||
BALIGUBADLE MEDIA
NIN DHAGA’LA AYAA IGU YIDHI: LACAGTII ABAARAHA MEEDAY? INTUU LABADII GACMOOD ISA SAARAY AYUU HADANA IGU YIDHI: MA KULMIYE TANUU ISKU DILAYAA?
December 7, 2017 - Written by adminASC UMADA REER SOMALILAND OO DHANOOW GUDE IYO DIBADBA Anigoon hadalka tarmin, maanta bal aan in yar idiinka taabto Xaajooyin iyo Caadooyin aynaan lahaan jirin, hadana si xawliya inooga soo If-baxay, Somaliland waligeed kamay dhicin lacag xadigaa leh (waxaan ka hadlayaa lacagtii Dadkii damiirka iyo Damqashada u lahaa Dadkooda tabaalaysani ay bixiyeen), oo xitaa kuwii ururinayay markii la waydiiyay waxay ku hadleen walaahi baan ku dhaartee waan ka yaabay Wadaad Gadhka Caweefa lahaa wuxuu ku jawaabay. Intuu sheegay Wadartii Guud, ayuu kala qaad qaaday, markaasay kor intaydoonto u dhaaftay Wadartii Guud ee markii hore uu yidhi waa intaas! markalaan daawaday, waaba isagii oo sidii u wada Cabdoo Khalad Xisaabtii! Waar nimanyaw yaadhaheen! Sanadkan (2017-ka) waxaabaad moodaa inaynu Xisaabtii qaldayno noocay doonto ha ahaatee – ma natiijadii gudidii If iyo Aakhiraa, ma Sakadaa, ma Lacagtii Abaarahaa !!!? Waxa kaloon aad ula yaabaa, oon idhaahdaa ma tanaa Ubadkiinuna usoo korayaa waxa weeye halku dhegyo loo samaystay: Sida Looga Haago Hantida Qaranka! shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay akhristayaasha sharafta lehoow SANWAA CUMAR YARE COMMENTS
|
|||||