BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Ciise Key doo ku muusanaabaya inuu Baalmaanka Galo.
December 11, 2024 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirada ka dib marka uu xilka la wareego.

Xogo hordhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in golaha cusub ee wasiirada ay suuragal tahay inuu ku jiro Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mida Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland taas oo haddii ay dhacdana uu banayn doono kursiga uu hadda ku fadhiyo golaha wakiilada.

Haddii ay dhacdo in Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun uu ka mid noqdo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa golaha wakiilada ka mid noqonaya Ciise Kayd oo hadda ah wasiirka arimaha dibeda ee xukuumada dhacday, kaas oo hore uga tirsanaa musharixiintii xisbiga Waddani ee gobolka Maroodi-jeex balse ugu cod badnaa xubnihii dhacay, kaas oo ku guuldaraystay inuu ka mid noqdo 82-kii xildhibaan ee golaha wakiilada.

Ciise Kayd oo wakhtigii uu dhacay miciinsaday baroor iyo aflagaado uu u gaysanayey madaxweynaha haatan la doortay ee Cabdiraxmaan Cirro iyo beeshiisa waxa uu ku helay xilka wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadii dhacday, xilkaas oo uu u adeegsaday inuu cay iyo ceebayn ugu gaysto xisbiga Waddani.

Sidoo kele Ciise Kayd ayaa markii uu dhacay sheegay inuu iska casilay Xisbigii WADDANİ ee uu ka Sharaxnaa ayaan hadda xaq u yeelan karin inuu buuxiyo kursiga golaha wakiilada haddii la magacaabo Barkhad Batuun. Maadaama oo uu ka baxay xayndaabkii sharcigu u ogolaa isaga oo xisbiga Waddani u yaqaana cadawga gudaha ama xisbi aan aaminsanayn qadiyada somaliland.

Xisbiga WADDANİ waxa la gudboon inay ruux kale ku soo buuxiyaan Kursiga uu banaynaayo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ama Barkhad halkiisa loo daayo si aanu Ciise Keyd uga mid noqon Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Ciise Kayd oo Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ku fashilmay isla markaana beeshiisa uu Muuse Beerlaxawsi u siiyey xilka uu hayey balse ay u codeeyeen isbadel doonka, waxa hubaala inaanu haatana ku matali karin golaha wakiilada, waxaanna go’aankaas iska leh oo xaqna u leh Xisbiga WADDANİ

Ugu Danbeyntii Ciise Keyd Ayaa Badanaa Maankiisu Joogin Markuu Saxaafada Lahadlaayo Iyo Markuu Dadweynaha Lahadlaayo.

Hadhwanaagnews.com/Burco

COMMENTS