Xisbiga Kulmiye oo Soo Dhaweeyay Saddex Musharax oo U Taryamaya Kuraasta Golaha Wakiiladda Gobolka Awdal
February 15, 2021 - Written by Ahmed ALI
Hargeysa (BGM) Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey saddex murrashax oo uga qaybgali doonta tartanka doorashada kuraasta Golaha Wakiillada, gaar ahaan Gobolka Awdal.

Xaflad xisbigu ku qaabilay, kuna aqbalay murrashaxiinta oo ka dhacday hoolka shirarka xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE maanta, waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah madaxda sare sare ee xisbiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Ibraahim Axmed Raabbi, Afhayeenka xisbiga Md. Cabdinaasir Muxumed Buuni iyo xubno kale oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka – Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo taageerayaal isugu jiray madaxdhaqameed, odayaal, waxgarad, haween iyo dhallinyaro, kuwaas oo ka soo jeeda deegaamada murrashaxiinta ka soo jeedaan.
Saddexdan murrashax oo kala ah; Cabdi Siciid faahiye, Geesh Aadan Bile iyo Cabdirashiid Muxumed Daahir, kuwaas oo ah siyaasiyiin iyo aqoonyahanno dhammaantood u taagan doorashada Golaha Wakiillada.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS