Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland.
February 13, 2021 - Written by Ahmed ALI
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Xisbiga, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday habeenkii xalay Magaalada Hargaysa.
Gudoomiyaha ayaa isla caawa fiidkii Booqday hoyga u yaallo maydka Suldaanku, isagoo u soo tacsiyadeeyay eheladii uu ka baxay Suldaanku.
Suldaanka ayaa ayaa maanta saacaddu markay tahay 12:00 duhurnimo lagu aasi-doona badhtamaha Magaalada Hargaysa, gaar ahaan halkii ay hore ugu aasnaayeen salaadiintii isaga ka horraysay, oo u dhaw tiyaatarka Hargaysa kasoo horjeed-ka iskuulka Riis ee Hargaysa.
Xigasho: UCID Party.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS