Gudoomiye Cirro oo Cisbitaalka Ku Booqday Agaasimaha Tvga Qaranka oo Xaalad Caafimaad Lasoo Daristay
February 8, 2021 - Written by admin
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Ku Booqday maanta Cisbitaalka Royal Ee Hargeysa Agaasimaha Television Qaranka Maxamed Xasan Cali (Waji) Oo Xanuusanaya

Guddoomiyaha oo ay booqashaddiisa ku wehelinayeen Masuuliyiin badan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa si qoto-dheer uga Xog-wareystay xaaladdiisa Caafimaad, Isla-markaana Wuxuu Maxamed Xasan Cali (Waji) u Sheegay Inuu hadda Caafimaadkiisu fiican yahay. Balse uu dareemayo waxooggaa xanuun ah marar qaarkeed.
Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Masuuliyiinta la socdayba, Waxay Ilaahay uga baryeen inuu Caafimaad Degdega Ah ugu badelo xanuunka SAXAFI Waji.
Agaasimaha Television Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Waji), ayaa maalmihii la soo dhaafay Xanuun la soo darsay u jiifay. Waxaana xaaladdiisa lagu la tacaalayey Cisbitaalka Royal Ee Magaaladda Hargeysa.
Agaasimaha Television Qaranka Maxamed Xasan Cali (Waji), ayaa ka mid ah tiir-dhexaadka Saxaafadda Somaliland Leeyahay, Isla-markaana kaalin aad u mihiim ah kaga jira Arrimaha Nabad galiyadda Iyo dhismaha Qaranka Somaliland Iyo Waliba Horumarinta Bahda Saxaafadda Reer Somaliland.
Dhanka kale Haddaanu nahay Bahda Shabakedda Wararka Qumannews.net, Waxaanu Eebbe uga baryeynaa Inuu Agaasimaha Television Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Waji) Caafimaad Degdega Ah ugu badelo xanuunka.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS