BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Golaha Guurtida U Gudbisay Mudanytii Komishanka Doorashooyinka ee Qabashadda Doorashada.
January 24, 2021 - Written by admin

Golaha Guurtida oo loo soo gudbiyay in ay is Waafajiyaan muddo kordhintii ay u sameeyeen Golaha Wakiilada iyo Cayimaada Koomishanka Doorashooyinka ee Qabashada Doorashooyinka 31 Bisha May 2021.

Xukuumadda ayaa Golaha Guurtida u soo gudbisay in ay is waafajiyaan muddo kordhintii Golaha Guurtida u sameeyay Golaha Wakiilada iyo Cayimaada Koomishanka Doorashooyinku u muddeeyay in ay qabsoomaan 31 Bisha May ee Sannadkan 2020.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta dalka dib ugu soo noqday, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal uu ugu maqnaa dalka dibadiisa,waxaana laga warsugayaa Maalmaha soo socda go,aanka Golaha Guurtida ka qaataan dalabkan ah in ay isa soo waafijiyaan Cayimaadii Koomishanka Doorashooyinka ee qabashada Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha deegaanada dalka iyo muddo kordhintii Golaha Guurtida u sameeyay Golaha Wakiilada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS