Warbixin:- Qaabkii Loo Musuqay Mashruucii Laydhka Garoonka Hargaysa Stadium.
November 11, 2020 - Written by admin
Hargeysa(BGM):- Sanadkii Hore Bilowgii Sii Ayay Ahayd Markii Aanu Ku Baraarugnay Inay Jirto Baahi Dhanka Laydhka Ah Si Habeenkii Loogu Ciyaaro Hargeisa Stadium.
Isla Waqtigaasi Ayaannu Ka Hawlgalnay Sidii Aanu Garoonka Hargeisa Stadium Ugu Suurogalin Lahayn In Waqtiga Habeenkii Lagu Ciyaaro Kadib Waxa Aanu U Soo Baqoolnay Dhankaas Iyo Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland, Waxaana Aanu Kulano Badan La Qaadnay Wasiir Boos Mire Iyo Agaamisihii Waqtigaa Ee Wasaarada Abdikarim. Waxaanu Helnay Dalabka Inaan Hawsha Laydhka Garoonka Qabanno Una Sameyno Si Heer Caalamiya Oo Waafaqsan Xeerarka Urur Waynaha Fifa.
Muddo Kooban Ka Dib Waxaanu Soo Diyaarinay Documents-Ka Wixii Loo Baahnaa Laakiin Madaxda Wasaaradda Oo Aan Filayo Inaanay Dareensanaynba Ceebta Iyo Weji Gabaxa Ay Yeelan Karto In Garoonka Caasimadu Bilaa Laydh Ama Koronto Noqdo.
Intaas Kadib Masuuliyiinti Wasaaradda Ayaa Bilaabay Isla Markiiba Isku Tuurtuur Iyo In Hawshii Naloo Diray Sidii Qorshuha Aanu Ku Heshiinay Ahaa Loo Fulin Waayo.
Waxaan Aad U Xasuustaa In Waxa Ugu Badan Ee Ay Noo Sheegaan Ahayd In Miisaaniyada Loogu Daray In Hargaysa Stadium Laydhka Habeenkii Lagu Ciyaaro Lagu Daray Laakiin Aan Wali Loo Soo Daynin Wasaaradda Waqti Koobana Aanu Sugno.
Muddo Yar Kadib Waxaannu Ku War Helnay In Garoonkii Biro Yar Yar Oo Aan Manfac Weyn Lahayn Laga Taag Taagay Lanoona Sheegay In Loogu Talo Galay In Khashaafado Loogu Xidho Waxaana Gebi Ahaanba Meeshii Laga Saaray Aqoontii Looga Baahnaa Hagaajinta Hagaajinta Iftiinka Garoonka.
Ugu Danbayntii Waxa Uu Hargaysa Stadium Dhaxlay Wixii Ummadda Somaliland Maqribkii Ku Daawatay Ciyaartii Hawd Iyo Badhan Dhex Martay.
GABOGABADII
Somaliland uma baahna in mashriicda cashuurta ummadda laga maalgaliyo la rifo sidoo kalena lagu bixiyo abtirsiimo balse badelkeedana waa in lagu bixiyaa aqoon karti iyo hufnaan.
W/Q : Eng Abdikarem Ismail Muhumed
Like this:
Like Loading...
COMMENTS