BALIGUBADLE MEDIA
Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Oo Diiday Guddiyada Doorashada Oo Ay Dowladu Magacaawday
November 10, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu qaadacay ka qeybgalka doorashada 2020-21, iyaga dood ka keenay sida loogu kalsoonaan karo guddiyada ay dowladdu u saartay doorashada.

Musharixiintan oo tiradoodu gaareyso 12 musharax ayaa qoraalkooda ku sheegay in wax ka badal lagu sameeyo guddiyada doorashada oo sida ay hadalka u dhiggeen u badan Askar dowladdeed, iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.

‘’Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah guddiyada looga dhax saaro xubnaha Askarta ah ee ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka, xubnaha shaqaalaha dowladda iyo waliba kuwa ku caanbaxay taageerrada madaxweyne Farmaajo’’ ayaa lagu yiri qoraalka

Hoos ka akhriso :

COMMENTS