Itoobiya Oo U Ciidan Urursanaysa Dagaalka Tigray
November 6, 2020 - Written by admin
Hargeysa(BGM):- Ciidanka federaalka Itoobiya ayaa dalka oo dhan ka ururinaya askar iyadoo uu sii socdo dagaalka ay xukuumadda Abiy Axmed kula jiro xooggaga gobolka Tigray.

Taliye kuxigeenka ciidamada Itoobiya, Jeneral Berhanu Jula, ayaa khiyaano qaran ku eedeeyay xooggaga daacadda u ah xisbiga haya talada gobolkaas ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Hogaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremicheal, ayaa sheegay in ciidankiisa ay dagaalka ka wadaan soohdinta uu gobolkaas la leeyahay kan ay deriska yihiin ee Amxaarada.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada.
Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS