Xiisad Ka Taagan Xuduuda Degmada Beled Xaawo La Wadaagto Mandhera
October 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(BGM):- Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka ay xiisad ka taagan tahay xuduuda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Xiisaddaan ayaa daba socoto israsaaseyn xalay xadka ku dhex martay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Kenya, ee ku sugan xuduuda Degmada Mandhera.

Wararka ayaa sheegaya in laba diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Kenya, ay saaka dul heehaabayaan xadka, gaar ahaan qaybta Mandhera.
Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaabayaan Kumaandooska Gorgor oo haysta hubka lidka diyaaradaha ayaa iyana ku sugan xuduuda, gaar ahaan qaybta Beled Xaawo.
Xiisaddaan ayaa dareen ku dhalisay shacabka ku dhaqan labada degmo, kuwaa oo iminka ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo.
Xiriirka Dowladaha Somaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay xumaa, mana muuqato door diblomaasiyadeed oo ay labada dowladoodba xal ugu raadinayaan xiriirkoodaan sii xumaanaya.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS