Wasaaradda Maaliyadda oo Soo Qabanqaabisay Kulan Lagaga Hadlaayay Doorka Agaasimiyaasha Guud Ku Leeyihiin Dakhli Ururinta
September 3, 2020 - Written by admin
Wasaaradda Maaliyadda somaliland ayaa daah Furtay kulan lagu gorfaynayay doorka agaasimayaasha guud iyo gudoomiyayaasha haayadaha madaxa banaan somaliland ay ku leeyihiin ka gacan siinta dakhli ururinta wasaaradda Maaliyadda
Kulankan oo ka qabsoomay hotel royal plaza ee magaaladda hargaysa ayaa waxa sidoo kale goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyada agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda iyo Gudoomiyaha haayada shaqaalaha agaasimiyaasha wasaaradaha dalka iyo gudoomiyayaasha Haayadda dawladda ee madaxa banaan
Ugu horayntii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland dr sacad cali shire oo masuuliyiinta kulanka ka qayb gashay ku guubaabiyay inay ka qayb qaataan dakhli ururinta wasaaradda Maaliyadda
Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada maxamed cabdi gurxan ayaa oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka Bixiyay cashuuraha la doonayo inay ka qayb qaataan masuuliyiintani ilaalinteed kuwaas oo kala ah
1. Cashuurta qandaraasyadda miisaaniyadda ka baxsan boqolkiiba Saddex 3%
2.cashuurta macaashal macaashka shaqaalaha laga guneeyo ee mashaariicda miisaaniyadda ka baxsan
3.cashuurta laga rabo la daganayaasha ayuu agaasimaha guud hoosta ka xariiqay
Sidoo kale waxa isna kulankaas ka Hadlay gudoomiyaha Haayadda shaqaalaha Dawladda oo isna ku dheeraaday ahmiyadda ay qaranka u leedahay wada shaqaynta iyo iskaashiga laamaha kala duwan ee dawladdu.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS