Madaxweyne Trump oo booqanaya magaalada Kenosha ee lagu dilay Jacob Blake
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tagaya magaalada Kenosha oo ay maalmihi u dambeeyey ka socdeen mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhashay rasaaseynta ay booliska u geysteen nin madow ah iyo dhaawaca rasaastaasi ka soo gaaray.
Aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay Mr Trump inuu talaadada uu u safrayo magaalada Kenosha.
Madaxweynahana wuxuu halkaasi uu kula kulmi doonaa hay’adaha sharci fulinta isaga oo sida oo kale u kuur galayo qasaaraha ka dhashay inta ay mudaharaadyadu magaaladaasi ka socdeen.
Jacob Blake ayaa ku curyaamay dhaawaca culus ee ka soo gaaray toddobada xabbadood ee ay la dhaceen booliska iyada oo dhaawaca soo gaaray ay dhakhaatiirtu ku sheegeen iney dhici karto inuu curyaamo oo lugahiisa uu ku socon waayo.
Toogashada booliska ay ninkaasi madowga ah u geysteen waxaa ka dhashay mudaharaadyo rabashada wata oo ka dhacay magaalada Kenosha uu dhibku ka dhacay iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Mareykanka.
Sanadkan waxaa dalka Mareykanka ka socday mudaharaadyo ballaadhan oo looga soo horjeedo cunsuriyadda kaddib marki ay booliska si arxan darra ah ay u dileen nin madow ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd.
Maxaynu ka ognahay booqashada Madaxweyne Trump?
Madaxweyne Trump inta uu booqasha uu ku marayo magaalada Kenosha wuxuu kulan uu la yeelan doonaa booliska magaaladaasi “isaga oo soo kormeeri doono qasaaraha ka dhashay mudaharaadyada rabshada wata” ee halkaasi ka dhacay.
Mar la weydiiyey madaxweynaha inuu booqan doono qoyska Mr Blake, Mr Deere wuxuu sheegay jadwalka booqashada madaxweynaha oo dhammeystiran inaan la soo saarin balse booqashu ay tahay mid la hubo.
Madaxweyne Trump ayaan waxbadan ka odhan toogashada Axaddi hore ka dhacay magaalada Kenosha ee dalkaasi Mareykanka.
Mar Jimcihi wax laga weydiiyey askariga rasaasta la dhacay Mr Blake in sharciga la horgeeynayo, madaxweynaha wuxuu ku jawaabay: “
Hagaag, si adag ayaan ugu fiirsanayaa. Waxaana i soo gaaraya warbixinno, isagoo raaciyay ” inuusan jecleen inuu aragtidiisa hadda uu ka sii hadlo.”
Madaxweyne Trump wuxuu sharci iyo amarba uu ka soo saaray qeybo muhiim oo ka mid ah dalabkiisa ku aadan dib u soo doorashadiisa sanadkan.
Kenosha maxaa ka socda?
Dad lagu qayaasa 1,000 qof ayaa sabtidi isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Kenosha iyaga oo ku dhawaaqayey halkudhigyada caanka noqday ee “Black lives matter”.
Gabar ay walaala yihiin Jacob Blake waxay mudaharaadayaasha ugu baaqday iney si nabad ah u mudaharaadaan ayna sii wadaan baaqooda ah Jacob inuu caddaalad helo.
Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay ciidamada ilaalada qaranka oo ay tiradooda gaareyso 1,000 askari in laga howlgeliyey magaalada kenosha, iyaga oo intooda badan gobollada kale laga keenay.