Wasiirka ay dadkiisu u yaqaannnaan “digaaggii gubtay”
August 29, 2020 - Written by admin
Keliya ma ah nin suudh ku labbisan oo asxaab badan ku haysta barta Twitterka, ee sida oo kale waxaa loo arkaa mid ka mida dadka rabshadaha maadda ah ka kiciya baraha bulshada, gudaha iyo dibeddaba.
Qoraalladiisii u danbeeyey ee uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ay ku taxan yihiin in ka badan 870,000 oo taageerayaashiisa ah oo dhaleeceeyay madaxweynaha dalka deriska la ah ee Zambia ayuu ku kasbaday cadhada dad badan oo dalkaas ku nool, iyo cadho kaga timid madaxweynihiisa, Cyril Ramaphosa.
Laakiin dhaqaaleyahankan aadka loo qaddariyo ayaa looga yaqaan baraha’Twitterka’ Koonfur Afrika “Adeer Tito” oo uu kula baxay, walaacyadiisa ku aaddan waxyaalaha gudaha dalkiisa ka dhaca.
Oohintii busbaasku ka keenay
In kasta oo 61 jirkan ayaa tweets-ka uu soo qoro kaga hadla dhowr arrimood, se warbixinihiisa uu kaga hadlo marka uu cashada samaysanayo ayaa ka dhex abuura hadalhayn badan dadka reer Koonfur Afrika. Waxaana la yidhaahdaa hiboolihii Jikada.
Cunnooyinkiisu waa sahlan yihiin oo muuq wacan yihiin, waxa uuna jecel yahay busbaaska iyo toonta, oo had iyo jeer saxanka uu wax ku cunayo meel fiican ka yaalla – arrinkaas oo ay aad uga naxaan kuwa ka saliilyooda waxyaalahaas.
Mid ka mid ah qoraalladiisaTwitter-ka ee sida aadka ah loo yaqaan ayaa ah sawir uu soo dhigay isaga oo dhidid farabadani wejigiisa ka qubanayo, oo ka hadlaya busbaas uu kulaykiisa ka yaabay.
Waxaa laga yaabaa inuu yahay nin badana si dhabdhaba u dhaqma, haddana se kama baaqdo inuu kaftan abuuro
Habkiisa cunto karineed, ayaa dhawaanahan soo jiitay dad badan, siiba markii digaaggu ka gubtay. Ma ahayn mid ka mid ah waqtigiisii ugu fiicnaa, ee uu baranayey cunto karinta.
Dad badan oo reer Koonfur Afrikaan ah waxay fursad u heleen inay ku jees jeesaan masiibada cuntadaasi kaga dhacday, iyadoo kabtanka kooxda rugby-da ee Siya Kolisi uu ka dhigtay fursad uu ku muujiyo xirfaddiisa gaarka ah ee Jikada, isaga ka riwaayadsanaya.
Marka laga tago soo faafinta ololaha uu ugu magac daray “hal-cunno oo hal qof ku filan”, wuxuu kaloo wax ka qoraa jahwareerka uu ka qabo xaaladda dhaqaalaha iyo dhacdooyinka adduunka, laakiin kaftankiisaas iyo madadaaladiisaas ayaa ay ka faa’iidaystaan siyaasiinta kale.
‘Jooji Macnodarrada’
Dhacdadii ugu dambeysay ee taxanaha Mr Mboweni ee “Waxaan soo qoraa oo soo tweet gareeyaa waxaan jeclahay”, ayuu wasiirka maaliyadduku dhex dhacay arrimaha gudaha ee Zambia.
Toddobaadkii hore, isagoo ka jawaabaya caydhintii madaxweyne Edgar Lungu ee uu ceydhiyay gudoomiyihii bangiga dhexe ee Zambia, Denny Kalyalya, wuxuu soo qoray: “Madaxweynayaasha Afrika waa inay joojiyaan macno darrada inta iska soo kacaan subixii ay iska eryayaan Guddoomiyaha Bangiga Dhexe!
“Tani maahan wax kuu gaar ah adiga! Sida Hantidaadii shaqsiyeed ?! Maya!”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “Gudoomiyahaasi wuxuu ahaa nin wanaagsan. Maxaynu waxyaalahan u qabannaa Afrikaan ahaan. Madaxweynaha Zambia waa inuu na siiyaa sababaha uu shaqada uga ceyriyay Gudoomiyaha “
Kadib falcelin ka timid Lusaka, Mr Mboweni oo si cad u hadlay ayaa diiday inuu ka laabto: “Waxay umuuqataa inaan dhibaato ku qabo hadalkeyga xil ka qaadista Gudoomiyihii Bangiga Zambia! Waxaan ku taaganahay qoraalkayga. Madaxbanaanida Bangiga Dhexe waa furaha. Ma ahan gorgortan, dhammaan baananleyda dhexe ha u hadlaan! “
Kadib markuu u qaxay dalka Lesotho ee dariska la ah 1980 dhaqdhaqaaqiisa ka dhanka ah xukunka cadaanka tirada yar ee Koonfur Afrika, wuxuu ku biiray African National Congress (ANC).