|
|||||
|
BALIGUBADLE MEDIA
Waa Kuma Ninka Madaxweyne Farmaajo U Magacaabay Danjiraha Soomaaliya Ee Boqortooyada Sucuudiga
May 29, 2019 - Written by adminMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha Somaliya u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo matalaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: [email protected] COMMENTS
|
|||||