BALIGUBADLE MEDIA
Shir Lagu Falanqeynayay Caqabadaha Hortaagan Inay Xukuumadda Somaliland Meel-mariso Guddida ilaalinta Xuquuqaha Dadka Naafada.
December 16, 2025 - Written by Ahmed ALI

Shir Lagu Falanqeynayay Caqabadaha Hortaagan Inay Xukuumadda Somaliland Meel-mariso Guddida ilaalinta Xuquuqaha Dadka Naafada.

“Sugitaanka xuquuqda dadka naafada ahi, waxay ku xidhan tahay aasaasida guddida ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ah”.

Hargeysa(#Hayaannews): Shir lagu lafa-gurayey caqabadaha hortaagan inay xukuumadd Somaliland meel mariso guddida ilaalinta Xuquuqaha dadka Naafada ‘National Disability Commission’ ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska hay’ada waddaniga ee magaceeda loo soo gaabiyo AWVO Al-kownin Women voluntary Organization ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahano isugu jiray dad naafo ah, sharci-yaqaano, iyo ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa lagaga dooday xuquuqda dadka naafada ah iyo weliba muhiimada ay u leedahay meel marinta guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah iyo caqabadaha haysta dadka naafada ah.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxay ka qeybgalayaashii kulanku soo jeediyeen in Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Qoysku – MESAF lagala hadlo inay dib u soo celiso mashruucii sharci ee lagu aasaasayey guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Somaliland, kaas oo la sheegay inay dhawaan laashay Wasaaradu, iyada oo kaashanaysa Dallada ururada dadka Naafada Somaliland ee SNDF.

Waxa kale oo shirkaasi laga soo jeediyey in haddii ay Wasaaradu ka dhago adeygto inay soo celiso, isla markaana ay meel-mariso mashruuca sharci ee qabyo-qoraalka ahaa in la qaadi doono talaabooyinkan hoos ku xusan:
1. In dalab ay soo saxeexeen 5,000 Shan kun oo muwaadin sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland loo gudbiyo Golaha Wakiillada Somaliland.

2. In sida uu dhigayo Dastuurku 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland lagu qanciyo inay mashruuca sharci ee dhigaya sameynta iyo meel-marinta guddida ilaalinta xuquuqda dadka Naafada ah horgeeyaan Golaha Wakiillada si ay u sameeyaan una meel-mariyaan Xeerka guddida ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ee Somaliland.
Garyaqanadii shirkaasi ka soo qeybgalay waxay ku taliyeen oo ay yidhaahdeen “Sugitaanka xuquuqda dadka naafada ahi, waxay ku xidhan tahay aasaasida guddida ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ah”. Ayey yidhaahdeen.

Gebogabadii shirkaasi waxa lagu go’aamiyey in guddi ka kooban 10 aqoonyahan loo xil-saaray inay dabagalaan qoddobadii kulankaasi laga soo saaray.

Hayaannews, Office Hayaantribune
Hargeysa, Somaliland

COMMENTS