BALIGUBADLE MEDIA
Fanaanada Reer S/land Najma Nashaad Oo Ka Warantay Kulan Ay La Yeelatay M. Ireland Michael D.Higgins&Xaaskiisa Sabina Coyne Higgins SAWIRO
June 30, 2025 - Written by Ahmed ALI

“Waxaan u sheegay Madaxwyne Michael D. Higgins Iyo Xaaskiisa Sabina Coyne Higgins inuu fanku door muhiima ka ciyaaro nabadda,wada-noolaanshaha, iyo is-dhexgalka dhaqamada kala duwan ee bulshada”Wareysi Hayaannews La yeelatay Fanaanada Najma Nashaad.

Ireland(Hayaannews): Fanaanada da’ada yar ee reer Somaliland Najma Abdinasir Iise Kahin (Najma Nashaad) oo muddooyinkii u danbeeyey degenayd dalka Ireland ayaa  kulan sharafeed la qaadatay maanta madaxweynaha dalka Ireland  Michael D. Higgins iyo xaskiisa Sabina Coyne Higgins.kadib markii lagu casuumay qasriga madaxtooyada dalkaas.

Kulan sharafeedkan oo lagu qabtay qasriga Aras an Uachtaráin ayaa ahaa mid muujinaya sida dowladda Ireland u qiimeyso is-dhexgalka dhaqamada kala duwan ee bulshadeeda.

Fanaanada Najma Nashad ayaa fursad u heshay inay la wadaagto Madaxweynaha iyo xaaskiisa doorka uu fanku ka ciyaaro nabadda, wada noolaanshaha,kobcinta iyo is-dhexgalka dhaqamada duwan ee bulshada.

“Maanta waxaa sharaf weyn noo ahayd in aan marti-qaad rasmi ah ka helno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland, Mudane Michael D. Higgins, iyo Marwadiisa Sabrina Beare Higgins, kuwaas oo nagu casuumay Qasriga Madaxtooyada dalka Ireland.Waxaan u sheegay inuu fanku door muhiima ka ciyaaro nabadda,wada-noolaanshaha, iyo is-dhexgalka dhaqamada kala duwan ee bulshada” Ayey tidhi Fanaanada Najma Najaad oo Khadka Telefoonka ugu waramaysay Tifaftiraha Shabakada wararka ee Hayaannews Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale)

Iyada oo hadalkeedaa sii wadatana waxay tidhi “Waxaan munaasibaddan heer sare ah ku matalayay dalkayga hooyo ee Somaliland, taas oo aan u arko mid muhiim ah oo xoojinaysa xidhiidhka bulshada caalamka iyo Somaliland.”

Waxa kulanka goob-joog ahaa Aqoonyahan Hamse Siyaad Aw Abdi Rooble, Abwaan Abdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani), Musician-ka weyn ee Bulshaawi,sidoo kale waxa kulankaasi goob-joog ahaa wiilka uu dhalay Madaxweynaha Ireland – Mr. Michael Higgins Junior

COMMENTS