BALIGUBADLE MEDIA
Cuqubadii Cali Baqdaadi Galay Oo Wiilkiisa Ku Dhacday
July 18, 2022 - Written by Ahmed ALI

Hargeisa(HWN):- Suldaan Dubad Qaal oo kamid ah salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in cuqubadii uu shacabka ka galay Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cali Ibraahi Baqdaadi ilaahay kamuujiyay Ubadkiisa.

Suldaan Dubad ayaa muuqaal uu kaga hadlayo hadimooyinkii kala duwanaa ee Cali Baqdaadi ugaystay shacabka Somaliland ku yidhi sidan:-

“ Shirkaygani wuxuu maanta ku saabsan yahay Ninkii Guddoomiyaha ka ahaan jirey Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaaddi ee laga eryay Shaqaddaas, waxaynu ognahay dalkan wuxuu loo soo maray ee haddimo, dhiig, Naf, Maal iyo Moodba loo soo huray sida lagu keenayna waynu ognahay oo Maamul baynu samaysanay la yidhaahdo Somaliland la wada leeyahay.

Baanka dhexe ee Somaliland waxa soo maray intaasoo Guddoomiye, wali maynaan arag Guddoomiye Baan oo ku milmay Siyaasadda Baqdaaddi hortii, waxaynu ognahay Ninkaasi musuqmaasuqa Agoonta Islaanta yar ee haysata 10-ka Caruura ee Rootiga iibinaysa iyo midda Xabbada Mooska ah bacadka la taagan, midda raashinka yar bannaanka ku karrinaysa cashuurta yar ee laga soo aruuriyay ayuu Hotello iyo Dhismeyaal ka jeexday”.

Suldaanka oo hadalka siiwata ayaa intaasi kudaray “Waxaan maanta idinka sheekaynayaa Inkaarraha ay leeddahay Xatooyadda ummadda galo, Aafooyinka ka dhasha iyo dulmigu halkuu marraayo, waxa dhacday in Ninkaas Baqdaaddi la yidhaahdo ay markii ugu horraysay isku dhaceen Ninka anigu aan u aqaanno Saca gabiley oo Sawirro ka qaadday Hotelladiisa, waxay isku dhaceen Saddex Inan oo suxufiyiin ah oo Arab ah oo uu Qalabkii ay ku shaqaynayeen ka qaatay, waxay isku dhaceen Wariyihii ugu waynaa Saxaafadda ee ruug-caddaaga ahaa ee Cabdisallaan Hereri. Waxa kale, oo uu Gaadhi marriyay gabdh yar oo Ciise Muuse ah, waxa kale oo uu Xidhay laba Wiil oo Sawirro ka qaaday Hotelladiisa, waxa kale, oo uu Ninkaas Baqdaaddi la yidhaahdo isku dhaceen Siyaasiga Cismaan Cumar Dool, iyo Qorraaga wayn ee Cabdi Shootali oo UK jooga oo Ninkaas ka gayoon mayno oo qofkasta oo Hotelladaas iyo ganacsigaas kala hadla wuu xidhaa ama dad buu u adeegsaddaa. Aniga qudhayda waannu isku dhacnay markii uu lahaa Baan baan ka dhisayaa Oodwayne.

Ninkaasi aafooyinka uu gaystay iyo dhibaatooyinka uu sameeyay ma soo koobbi karraayo. Ninkaasi waxa uu ku shaqaystaa oo aannu ognahay Foojarriga bahalka la yidhaahdo, Saxeexyadda iyo Shaambaddaha uu haysto oo ay ku wada shaqaysan jireen Ninka la yidhaahdo Cabdiraxmaan SOLTELCO.”

Ugu dambayntiina waxa uu suldaan sheegay “Waxaan odhan lahaa Baqdaaddi horenna waad u ogayd Ninkii aad dishay wixii aad ku samaysay, waxaannu imika ka baqaynaa Dagaal sokeeyee waxaannu rabnaa inaanu Konton Oday oo reerkiinna ah inaanu dhaarrino, haddase Nin baa badalay Baqdaaddi wali miyaad aragteen isagoo Muuse Biixi hor-booddaaya, lama arag waxa uu ku mashquulsan yahay Aafooyinkii uu ka tagay Baqdaaddigii la eryay ee Sicir-bararka inna galiyey” ayuu yidhi Suldaan Dubad Qaal.

COMMENTS